Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysa in Wasiirka arrimaha dibadda Maamulka Somaliland Maxamed Biixi Yoonis Isbitaal la jiifiyay.
Mudane ka tirsan baarlamanka Somaliland oo warkan shaaciyey, ayaa sidoo kale sheegay in Wasiirka uu xiligaani ku sugan yahay Isbitaal ku yaalla Magaalada Istanbuul, ka gadaal markii uu ku dhacay Xanuun kaasi oo sababay in lagu sameeyo Qaliin degdeg ah.
Wasiir Biixi oo mudooyinkaani dalka Turkiga u joogay ka qeybgalka wadahadalada u dhexeeya DF iyo Maamulka Somaliland, hayeeshee waxaa kusoo booday Xanuun, iyadoona maalmahanba laga dayrinayay xaaladiisa caafimaad walaw ay wararku sheegayaan inuu hada ladanyahay.
Saraakiisha Caafimaadka Turkiga ayaa ku dadaalayo Caafimaadka Wasiirka, waxa ayna rajo ka muujinayaan Caafimaadkiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]