Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa qaabka uu u dhacay weerarkii lagu dhaawacay Xildhibaan ka tirsanaa BF Somalia laguna dilay Xildhibaano hore.
Weerarka oo ahaa mid ka dhacay Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir,gaar ahaan Isgooyska Via Rooma,ayaa waxaa weerarkaasi fuliyay gaari nooca raaxada ah oo ay saarnaayen rag qoryo ku hubeysnaa, waxa ayna rasaas ooda uga qaaden Gaariga uu la socday Xildhibaan Mayoow Mustaf iyo Ex Xildhibaan Liiban C/llaahi.
Xildhibaan Mayoow Mustaf oo ah Mas’uulka uu dhawaca soo gaaray, ayaa saarnaa gaari noociisu ahaa Suuzuki islamarkaana ay la socdeen ilaa Afar Qof oo Saddex kamid ah ay Goobta ku Geeriyoodeen halka isaguna uu dhaawac soo gaaray.
Wararka ayaa sheegaya in dadka Geeriyooday uu ku jiro Xuildhibaan Hore oo ka tirsanaa Baarlamaankii KMG ahaa kaasi oo ay rasaastu ka haleeshay madaxa.
Gaariga Weerarka geeystay ayaa Durbadiiba ka baxsaday goobta, waxaana islamarkiiba goobta soo gaaray Ciidamada Amaanka.
Ma jirto Cid sheegatay Mas’uuliyada Weerarka lagu dilay Saddexda Ruux ee ka dhacay Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir.
Arrintaani ma aha mid ku Cusub Magaalada Muqdisho, waxa ayna kusoo aadeysaa iyadoo dhawaan dil ceynkaasi ah isla Degmadaasi loogu geystay Xildhibaano ka tirsanaa BF.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

