31 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

DHAGEYSO: Jawaari oo u digay Xasan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online )- Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan jawaari ayaa amar siiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, maadaama shalay codka kalsoonida lagala laabtay xukuumada C/welli Sheikh.

Maxamed Sheikh Jawaari, ayaa ku amray madaxweynaha Soomaaliya in muddo 30 maalin ah uu kusoo  magacaabo ra’iisul wasaare cusub Kaasi oo xafiiska ka badalaya ra’iisul wasaare hore C/welli Sheikh Axmed Maxamed.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in dastuurka uu dhigayo in muddo 30 maalin ah lagu magacaabo ra’iisul wasaare cusub, loona baahan yahay in waqtigaasi aan laga dib marin.

Sidoo kale gudoomiyaha baarlamaanka ayaa uga digay madaxweynaha Soomaaliya inuu kasoo fiirsado ra’iisul wasaaraha cusub ee uu soo magacaabayo madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News