Muqdisho (Caasimada Online) – Imaam C/laahi Khaliif Rooble Imaamka Beelaha Habargidir ayaa wuxuu ka hadlay magacaabista Ra’iisul Wasaraha cusub ee dalka oo shalay Madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay xilkaasi CumarC/rashiid Cali Sharmaarke.
Imaam C/laahi oo la hadlay Idaacada Mustaqbal ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ugu horeyn sheegay inuu soo dhaweynaayo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dowladda Soomaaliya.
Wuxuu kaloo sheegay Imaamka in Ra’iisul Wasaare Sharmaake uusan aheyn markii ugu horeysay oo uu xilkaan qabto, balse hada iyo waqtigii uu Ra’iisul Wasaaraha dalka kasoo noqday farqi uu udhaxeeyo, marka loo eego marxalada dalka uu hada ku jiro.
Waxa uu ugu baaqay inuu ku dadaalo dib uheshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, maadaama shacabka ay wax kala tabanayaan oo ay jirto dhiilooyin colaadeed oo Soomaalida dhexdeeda udhaxeysa.
Imaamka ayaa sidoo kale sheegay in Ra’iisul Wasaaraha cusub laga rabo inuu ka fogaado wax waliba oo keeni kara isku dhaca isaga iyo Madaxweynaha, iyadoo la eegaayo howlaha culus ee dadka iyo dalka loo haayo intaba.
Imaamka Beelaha Habargidir ayaa intaasi hadalkiisa ku daray inay la shaqeynayaan Ra’iisul Wasaaraha cusub oo wixii caqabad ah oo shaqadiisa ka hor istaaga kara ay ku baaqayaan in la dhameeyo si howsha Xukuumadda cusub ay u noqoto mid wanaagsan.
Ugu dambeyn wuxuu kaloo ugu baaqay inuu soo dhiso Xukuumad qancin kartaBulshada Soomaaliyeed oo dhibaatada dalka kujira ka saari karta, doorashooyin xor ahna dalka gaarsiin karta.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

