Muqdisho (Caasimada Online) – Daahir Amiin Jeesoow oo kamid ah Xildhibaanada BF Somalia oo ka hadlaayay hadal kasoo yeeray Madaxweyne Xassan Sheekh xili uu ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan uu shaki galiyay Madaxtinimadiisa.
Jeesoow waxa uu sheegay in Munaasabadii shalay ka dhacday Kismaayo uu Xassan Sheekh ka sheegay in Axmed Madoobe aan la dhihi karin hogaamiyaha maamulka Jubba, balse uu mudan yahay in loogu yeero Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubaland.
Xildhibaan Jeesoow ayaa Tilmaamay in Sheekh Axmed Madoobe iyo Beelaha dega gobalada Jubooyinka iyo Gedo ay ku heshiiyeen in maamulka KMG ee Jubba loogu yeero mamulkaasi, isna yahay hogaamiye, islamarkaana madaxweynaha aanu waxba ka bedali karin heshiis horay loo wada gaaray.
Daahir Ammiin Jeesoow oo arrinkaasi si kulul uga hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Nin aan la dooran lama dhihi karo madaxweyne, Axmed Madoobe Lama dooran, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxba kama bedali karo heshiis la gaaray, BF Somalia maamulka Jubba ayuu u aqoonsan yahay, cidii Jubaland iyo Madaxweyne ugu yeerto Baarlamaanka ayaan ka wacaynaa”
Sidoo kale, waxa uu sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh uusan awoodeeda laheyn inuu go’aan ka gaaro ama uu wax kabedelo qodobadii lagu heshiiyay Heshiiskii ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee Cariga dalka Ethiopia.
Dhanka kale, Dahir Amiin Jeesoow waxa uu Carabka ku dhuftay in ilaa iyo iminka aysan u muuqan dhaqan galinta Qodobadii DF iyo Maamulka KMG Jubba ku heshiiyen, waxa uuna sheegay in Maamulka Axmed Madoobe uu si cad u baalmaray Qodobadaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

