Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirro ka tirsan xukuumadda uu baarlamaanka riday ayaa isku dayay inay Muqdisho ka dhoofaan amar la’aan balse waa la hor istaagay, sida waxaa sheegay wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya.
Xeer ilaalinta iyo hanti dhowrka Soomaaliya ayaa amar ku soo rogay wasiirrada ka tirsana xukuumaddii Cabdiweli, waxaana ay u sheegeen inaysan dalka ka bixi karin ilaa ay xilka wareejiyaan.
Wasiirada maanta la celiyey, ayaa isku dayay amarka inay dhagaha ka furaystan oo ay dibadda u baxaan, balse qaarkood waa loo diiday garoonka Muqdisho inay ka duulaan.
Siihayah xilka wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Dr. Khaalid Cumar Cali oo ka hadlayay arigtidiisa go’aanka waxuu sheegay inuu si weyn u soo dhaweynayo, islamarkaana baaritaan lagu sameeyo dhamaan wasaaradaha kala duwan ee owlada lana ogaado hadii ay jiraan wax isdaba marin ah inta wasaarada ay shaqeyneyso.
Dr. Khaalid ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in wasiiro ka tirsan xukuumadii kalsoonida lagala noqday isku dayeen inay dalka ka ambabaxaan fasax la’aan, balse is hortaag lagu sameeya, isagoona arintaasi ku tilmaamay mid tilmaameysa hanaanka Dowladnimo.
Ugu dambeyn,markii xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya codka kalsoonida kala noqdeen xukuumadii uu hogaaminayay C/wali Sheikh Axmed ayaa durba waxaa amar si wada jir ah u soo saaray xafiisyada Hanti dhowrka iyo waliba xeer ilaaliyaha Qaranka.
Isha: RBC