Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa ka hadlay magacaabista Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Axmed Diiriye, waxa uu sheegay inay soo dhoweynayaan isla markaana ay ka filayaan waxqabad Cumar Cabdirashiid oo mar soo noqday Ra’iisul wasaare dowladdii KMG ahayd.
“Aniga oo ku hadlaya magaca odayaasha beelaha Muqdisho, waxaan u hambalyeynayaa Cumar Cabdirashiid” ayuu yiri Axmed Diiriye.
Axmed Diiriye waxa kale oo uu sheegay inuu aad ugu rajo weyn yahay in Cumar Cabdirashiid uu samata bixin doono dalka Soomaaliya oo khilaafyo iyo colaado ay daashadeen.
Waxa kale oo uu ka codsaday Cumar Cabdirashiid inaan lagu tuhmin qabyaalad, eex iyo in madaxweynaha iyo isaga ay is-qabqabsadaan.
Halkan hoose ka dhageyso Axmed Diiriye
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]