Muqdisho (Caasimada Online) – iyadoo dhawaan uu Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay sheegay in waxbadan laga bedeli doono dastuurka Somalia Aftina loo qaadi doono Dastuurka ka hor inta aan la gaarin doorashada, ayaa waxaa si taasi lamid ah uga hadkay Xildhibaan Yaasiin Cabdi Seed oo ka tirsan guddiga dastuurka ee baalrmaanka.
Xildhibaan Yaasiin Cabdi Seed oo la hadlaayay VOA-da ayaa sheegay in howsha dib u eegista dastuurka ay dhammaan doonto ka hor sanadka 2016-ka oo la filayo in doorasho ay ka dhacdo waddanka.
Xildhibaanka waxa uu sheegay in dhawaan la bilaabi doono dib u eegista cutubyada dastuurka qaarkood, kuwaas oo bud-dhig u ah qabashada howlo badan oo muhiim u ah in doorasho ay ka dhacdo waddanka, sida uu hadalka u dhigay waxa uuna intaa hadalkiisa sii raaciyay in xiligaani ay muhiimad gaar ah siinayan in lasoo afjaro Arrimaha dastuurka.
Sidoo kale, Xildhibaan Yaasiin Cabdi Seed oo hadalkiisa intaa kasii ambaqaadaya ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in sharciga axzaabta, dhismaha maamul-goboleedyada iyo dhammaystirka guddiyada madaxa bannaan ay yihiin kuwo aasaas u ah hiigsiga 2016-ka.
Dhanka kale, Xildhibaan Yaasiin Cabdi Seed waxa uu carabka ku dhuftay isaga oo hadalkiisa intaa kusii daraayo in Sharciyo badan oo xiriir toos ah la leh doorashooyinka iyo dhammaystirka dastuurka uu horyaallo Baarlamaanka Federaalka ah, sidoo kalane waxa uu cadeeyay inay shaqo bilaabeen guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista dastuurka oo wada shaqeyn wanaagsan la leh guddiga dastuurka ee baarlamaanka iyo wasaaradda garsoorka iyo caddaaladda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]