Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa sheegtay in heshiiskii ay la gartay dowladda faderaalka Soomaaliya uusan qodob-na ka hirgalin, in kasta oo dhowr bilood laga joogo heshiiskii.
Wasiirka waxbarashada Puntland, Cali Xaaji Warsame oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa waxuu si cad u sheegay qodobbadii ay ku heshiiyeen dowladda dhexe inaysan waxba ka hirgalin.
Xaaji waxuu tilmaamay arrimaha keenay heshiiska inuusan hirgalin isagoona ku kaftamay in Soomaalida ay sheegaan “Ra’iisul wasaarihii taga Puntland waa la radi”, oo uu ula jeeday in Cabdiweli Sheekh iyo Cabdi Faarax oo Puntland booqday markii ay tagan Muqdisho baarlamaanka ayaa cod ku riday.
“Heshiiska faderaalka iyo Puntland waxaa joojiyay oo caqabad ku noqday khilafkii madaxda faderaalka oo xoogaystay heshiiska kadib, xilliga waxaa qorshuhu ahaa in la guda-galo fulinta heshiiska, balse illaa hadda qodobadii lugu heshiiyay waxba kama hirgalin,”ayuu yiri Cali Xaaji oo ka hadlayay sababta ay qobadda heshiiska u hirgali la’ yihiin.
Wasiirku waxuu u soo jeediyay ra’iisul wasaaraha cusub ee magacaaban iyo madaxda sare ee dowlada federaalka in ay sida ugu dhaqsiyaha badan dar dargelin ku sameeyaan guda galka heshiiskan iyo fulinta qodobadii lagu gaaray.
Qodabadda ugu muhiim-san ee ay ku heshiiyeen dowladda faderaalka Soomaaliya iyo Puntland waxa ka mid ahaa, sidii xal loogu heli lahaa muranka shahaadada Puntland oo wadamo dhowr ah weli xayiraad ka saaran yahiin, Iyadoo la isku afgartay shahaado u gaar ah Puntland oo ka muuqata astaanka Soomaaliya sida uu wasiirkuba xusay.
Ugu dambeyn, heshiiska labada dhinac waxuu ahaa mid lugu doonaya in lugu soo afjaro khilaf ka dhaxeeyay Puntland iyo faderaalka, maadaama madaxweyne Gaas uu sheegay xiriirka inay u jareen dowladda dhexe, balse hadda waxaa muuqata inay caqabad noqon doonta hirgal la’aanta heshiiskii ay wada gaareen.
Halkan ka dhageyso Cali Xaaji Warsame
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

