Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka hadlaayay hadal kasoo yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo ahaa in Kismaayo la geyn doono ciidamo ka socda dalka Ethiopia ayaa waxa uu Tarsan arrinkaasi ku sheegay mid uusan ka fiirsan.
Tarsan ayaa waxa uu sheegay in shaqsi ahaan aysan la wanaagsaneyn in Madaxweyne Xassan uu hadalada noocaasi ah ka sheego munaasabadaha, wuxuuna tilmaamay in Xassan sheekh looga baahan yahay inuu dib u eego colaadihii dhiiga badan uu ku daatay ee u dhexeeyay Somalia iyo Ethiopia waxa uuna tusaale usoo qaatay dagaaladii dalka ka dhacay xiligii maxaakiimta.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan waxa uu sidoo kale Cod dheer ku sheegay in DF Somalia gaar ahaan Golaha shacabka aysan Ogolaan in Ciidamada Ethiopia la geeyo Kismaayo, si ay u bedelaan Ciidamada Sierra Leone.
“Waxaan ka digahayaa in dowladda Somalia aysan ku degdegin ogolaasha ciidamada Ethiopia in la geeyo Kismaayo” ayuu yiri Maxamuud Axmed Tarsan oo bishii hore kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho Xisbi la magac baxay Cadaallada Bulshada.
Sidoo kale Mr Tarsan ayaa sheegay in Ciidamada Ethiopia oo ka mid ah AMISOM ay ku sugan yihiin afar gobol oo Istiraatiiji ah Bay, Bakool, Hiiraan iyo Galgaduud, sida uu yiri.
Tarsan oo hadalkiisa siiwata waxa uu yiri “Ciidamada Ethiopia waxay ku sugan yihiin afar gobol oo istaraatijiyad ahaan aad muhim ah ama sida ay ku magacaabaan afar sector oo kala ah Bay, Bakool, Hiiraan, Galgaduud, Hadii ciidamada Ethiopia la geeyo Jubada Hoose waxay noqoneysaa arrin walwal iyo shaki gelin karta shacabka Somaaliyeed”.
Dhanka kale, Gudoomiyaha Xisbiga Cadaallada Bulshada Tarsan waxa uu aad walaac uga muujiyay saameynta uu dalka ku yeelan karo in Ciidamada Ethiopia gobol waliba barwaaqa sooran ah xarun looga dhigo, isagoona taasi ku sheegay ka fiirsasho la’aan heysata Madaxda dalka, gaar ahaan Madaxweynaha iyo wafdigii la socday ee dhawaan gaaray Magaalada Kismaayo.
Tarsan waxa uu madaxda iyo saraakiisha Ciidamada Ethiopia ugu baaqay in aanay shaki abuurin oo aanay marnaba ogolaan in ciidankooda geeyaan Somalia, iyadoo tixgelineysa isu soo dhowaanshaha labada shacab sida uu yiri.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

