31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Xasan iyo CCC oo wasaarado muhiim ah ku raali gelinaya dowladda Ethiopia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay Dowlada Ethiopia ay ka niyad jabtay in Ra’isul wasaaraha Somalia laga dhigo waayey Xuseen Cabdi Xalane oo ah sii haayaha Wasaarada Maaliyada ayaa waxaa hadana jiro warar hoose oo sheegaya in taasi badelkeeda Madaxweyne Xasan iyo R/W CCC ay Ethiopia ku qancinayan dhowr wasaaradood.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaaraha Somalia CCC Sharmaarke ayaa inoo xaqiijiyay in Liiska ay ku diyaarsan yihiin Wasiirada Cusub ay ku jiraan ilaa Afar wasiir iyo ku-xigeenadooda, oo xiriir la leh dowladda Ethiopia.

Sidoo kale, ilo wareedka ayaa intaa kusii daraayo in Wasaaradahaasi ay u badnaan doonaan in laga soo dhex saaro Wasaaradaha amniga qaranka, maaliyadda iyo gaashaandhigga.

Ragga la hadal hayo waxaa ka mid ah Xuseen Cabdi Xalane oo wasaaradda maaliyadda la siin doono iyo Cabdullaahi Sambaloolshe oo wasaaradda amniga qaranka loo dhiibi doono. Labadan siyaasi ayaa aad ugu dhow Ethiopia.

Dowlada Ethiopia oo kaalin Siyaasadeed ku dhex leh Somalia, ayaa waxa ay dadaal dheer ugu jirtaa inay gacanta ku dhigto Wasaaradaha halboolaha u ah DF Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News