31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Qorsho ka dhana AXMED Madoobe oo KISMAAYO ka socda iyo ka cabsi jirta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo abaabul banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo Maamulka Axmed Madoobe.

Banaanbaxyada ayaa la sheegayaa inay abaabulayaan Siyaasiyiin kasoo jeeda Beesha Sade oo iyagu taageera Siyaasada Col. Barre Hiiraale, waxaana la soo warinayaa in Banaanbaxaasi uu yahay mid looga soo horjeedo Ciidamada Ethiopia ee la geyn doono Kismaayo iyo hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Xasan ee ahaa in Axmed Madoobe uu yahay Madaxweynaha Maamulka Jubaland.

Banaanbaxa ayaa waxaa la sheegayaa inay qeyb ka yihiin Ganacsato kasoo jeeda ilaa iyo Seddex beel oo iyagu aan ku qanacsaneyn Siyaasada iyo Hogaanka Axmed Madoobe.

Dhanka kale, Banaanbaxa oo ah mid la siyaasadeeyay ayaa waxaa laga cabsi qabaa in abaabulkiisa kadib ay kasoo horjeesan doonaan Ciidamada daacada u ah Hogaamiye Axmed Madoobe, iyadoona ay suuragal tahay in Maamulka KMG uu qaado talaabo lid ku ah Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada abaabulka wada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News