Paris (Caasimada Online) – Diyaarad sidday koox ciyaartooyda barafka ku dul cararta ayaa maanta ku burburtay bariga dalka Faransiiska, waxaana shilkaas naxdinta leh ku geeriyooday dhammaan 11-kii qof ee saarnaa.
Dadka geeriyooday ayaa isugu jiray 5 macallin, 5 arday oo ay tababarayeen, iyo duuliyihii waday diyaaradda. Kooxdan ayaa la sheegay inay u socdeen tababar la xiriira ciyaaraha barafka, balse safarkoodu wuxuu ku dhammaaday musiibo, kadib markii ay galeen shil sababay geeridooda.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in diyaaraddu ay burburtay wax yar uun, kaddib markii ay ka kacday garoonka diyaaradaha. Qaar ka mid ah ehellada iyo qaraabada dadkii saarnaa ayaa goobta joogay xilliga shilka dhacay, iyagoo indhahooda ku arkay diyaaradda oo dhacaysa.
Diyaaraddu waxay ku dhacday meel u dhow xaafad ay dad deggan yihiin, balse nasiib wanaag ma jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka dhulka ku sugnaa, inkastoo ay dhacdadu cabsi weyn ku abuurtay Shacabka deegaanka.
Hay’adaha gurmadka degdegga ah iyo ciidamada ammaanka ayaa si dhaqso ah u gaaray goobta, iyagoo bilaabay howlaha gurmadka iyo baaritaanka.
Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay shilka, waxaana mas’uuliyiintu sheegeen in baaritaan ballaaran lagu ogaanayo waxa sababay diyaaradda inay burburto.
Dhacdadan ayaa murugo weyn ku reebtay bulshada iyo bahda ciyaaraha, iyadoo la filayo in mas’uuliyiinta Faransiisku ay soo saaraan warbixin rasmi ah marka baaritaannadu soo dhammaadaan.

