Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay talaabadii uu maanta qaaday Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo magaalada Muqdisho ku soo bandhigay dhalinyaro caan ka ah baraha bulshada, kuwaas oo lagu eedeeyay inay faafiyeen anshax-xumo, iyagoo adeegsanayay aaladaha internet-ka.
Afhayeenka ciidanka booliska, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in dhalinyarada la soo bandhigay ay tiradoodu gaareyso toban ruux, kuwaas oo ku lug leh falal la xiriira anshax-xumo iyo baahinta muuqaallo aan waafaqsanayn diinta iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed, sida uu sheegay.
Sidoo kae, Afhayeenka ayaa xusay in eedeysanayaashan ay muddo ku hawlanaayeen duubista iyo faafinta muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ee TikTok, YouTube iyo Facebook, kuwaas oo saameyn taban ku yeeshay bulshada, gaar ahaan dhalinyarada.
Dhanka kale, Waxa uu digniin u diray maamullada hoteellada iyo goobaha kale ee lagu duubo muuqaallada noocan ah, isagoo ugu baaqay inay ka fogaadaan martigelinta ama fududeynta falalka ka hor imanaya sharciga iyo anshaxa suubban ee bulshada.
Haddaba sidee looga fal-celiyay tallaabada Ciidamada Booliska Soomaaliyeed?
Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada oo siyaabo kala duwan uga hadlay howlgalka Booliska ayaa intooda badan ku boggaadiyay inay la dagaalamaan dhalinyarada faafineysa dhaqan xumada.
Axmed Dhaaye: “Dowladdu shaqo fiican ayey haysaa dhaqan dooriska halala dagaalamo”.
Qalinle Maxamed Cali: “Waxaan idinku raacsanahay in dhaqankaan xun la suuliyo”.
Axmed Muuse Caraaye: “Hotelladii ay wax ku duubi jireen kuwii lahaa amaa la soo xiraa?”.
Ibnu Sheekh Axmed: “Weli shaqo ayaa idiin dhiman oo ah kurayada tooreeyaha wata ee odayasha koofiyadaha iyo cimaamafaha ka dafa”.
Prof-Maxamed Cali “Tallaabo wanaagsan waaye inta dhimmana hala soo qabto xukun adagna halagu rido”.
Cabdiraxmaan Cumar: “Waa arrin aad u fiican oo in la boggaadiyo u baahan guul ciidanka booliska soomaaliyeed”.
Maxamed Cawil Siraaji: “Dhowr sano dhaqan celin ah ha loo sameeyo dhamaantooda”.

