Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo kamid ah Guddiga Qaban-qaabada ee Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka ayaa maanta isaga iyo xubnaha kale ee guddiga waxay kormeer ku tageen Xerada Jeneraal Gordon ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku jiraan ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga Dalka.
Guddiga ayaa si gaar ah u booqday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku jira diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee munaasabadda wayn ee 1-da Luulyo oo foodda inagu soo hayso maalmaha soo socda.
Ciidamadan ayaa loo diyaariyay inay soo bandhigaan dhoollatusyo iyo bandhigyo lagu maamuusayo maalinta madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, si ay qayb uga noqdaan dabaal-degga maalinta Kowda Luulyo.
Inta uu socday kormeerka xubnaha guddiga ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyay heerka uu marayo tababarka iyo qorshaha lagu soo bandhigayo dhoolatusyada kala duwan.
Saraakiishu waxay sheegeen in ciidamada ay si buuxda ugu diyaar garoobeen inay shacabka Soomaaliyeed u soo bandhigaan xirfaddooda iyo awooddooda ciidan.
Wasiirka Gaashaandhigga oo dhankiisa hadlay ayaa boggaadiyay heerka uu marayo diyaar-garowga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuuna ku dhiirrigeliyay ciidamada inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda, si ay shacabka Soomaaliyeed ugu soo bandhigaan tayadooda iyo awooddooda.
“Waa heybad cadowguna ka baqo, qarankuna ku faano waa Xooga dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo isu diyaarinaya ka qeybqaadashada dabaaldagga maalinta Qaran ee Kowda Luulyo. Guulaysta, muuqaalkiinu wuxuu quusinayaa damaca cadowga iyo dabaligkiisa” ayuu yiri wasiirku.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah oo kala guur ah, waxaana taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka iyo wax ka beddel lagu sameeyay dastuurka KMG ka ah.


