Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mamaulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh aadan iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Shariif Xasan ayaa waxa uu halkaasi kula kulmi doono Madaxweynaha Maamulka KMG Jubba Axmed Madoobe iyo Xubnaha ugu sareeya maamulkiisa.
Ujeedada socdaalka wafdiga Shariif Xasan ee Kismaayo ayaa ku qotoma dhowr qodob oo ay ugu muhiim san yihiin sida uu taageero Siyaasadeed iyo wadashaqeyn uga heli lahaayen Maamulka Jubaland isla mar ahaantaana uu xiriir wanaagsan ula yeelan lahaa Maamulka Jubba.
Sidoo kale, ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Booqashada wafdiga Shariif Xasan ay qaadan doonto laba maalmood iyadoo kulamo u dhaxeeya labada Madaxweyne ay ka dhici doonaan Madaxtooyada Kismaayo.
Dhanka kale, Maamulka Jubaland oo xiriir wanaagsan la leh dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada kajira dalka ayaa lagu wadaa inay xudun unoqoto isku xirka dowlad goboleedyada iyo dowlada dhexe ee Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]