Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo go’aan kasoo baxay Taliska Ciidamada AMISOM xilka looga xayuubiyay Afhayeenkii AMISOM Col. Cali Xumud , ayaa waxaa go’aankaasi si kulul uga hadlay Korneel Xumud.
Waxa uu sheegay in weli uu yahay Afhayeenka islamarkaana go’aanka kasoo baxay Taliska AMISOM uu yahay mid aan kasoo bixin Hogaanka sare ee Ururka.
Waxa uu Tilmaamay in go’aankaasi uu ahaa mid ay isla soo dhiseen shaqsiyaad aan tixraac ku sameyn shuruucda u degsan Taliska iyo nidaamka.
Col. Xumud ayaa sheegey in uu shaqadiisa sii wadanayo illaa Midoowga Afrika uu xiriir ka helayo.
Qoraal xalay kasoo baxay AMISOM ayaa waxaa lagu cadeeyay in Col. Cali Xumud uusan aheyn shaqsi xiligaani iyo wixii ka dambeeya matali kara AMISOM.
Dhanka kale, Col. Cali Xumud ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay ahaa Afhayeenka Ciidamada AMISOM waxa uuna xilkaasi ku waayay warar uu si qaldan u siiyay warbaahinta.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]