Kooxda Axmed Madoobe oo Kismaayo ka sammeeyay dhacdo argagax badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan weerarka aan ka helayno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, waxaa xeebta magaaladaasi laga helay meydadka labo ruux oo dalinyaro ah oo muddo la weysanaa.

Ugaas Maxamed Welli, oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in labada ruux ee meydkooda la helay ay kala ahaayeen wiil iyo gabar dhalinyaro, kuwaasi oo la sheegay in lagala baxay xaafadahooda magaalada Kismaayo.

Aabaha dhalay gabadha ayuu sheegay inuu naxdin u geeriyooday kadib markii uu maqlay meydka gabadhiisa oo laga helay xeebta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

“Adeer labo qof ayay ahaayeen, muddo bil wax dhiman ayaa gabadha la weysanaa, wiilkana muddo labo isbuuc ayaa la weysanaa, meydkooda badda ayaa laga helay, ciidanka jubba ee horjoogaha uu u yahay Axmed Madoobe ayaa arintaasi ka dambeeyay”

“Waqtiyo kala duwan ayaa meydadkooda la haley, wiilka isagoo qoorta laga jaray ayaa meydkiisa la helay” ayuu yiri Ugaas Maxamed Welli.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Jubba, waxaana ay ka gaabsadeen inay faahfaahin ka bixiyaan eedeynta loo jeedinayo maamulka KMG ee Jubba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com