Khilaaf ka dhex taagan maamulka Juba iyo arrin xasaasi ah oo la isku hayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar gaar ah oo aan ka helnay Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Khilaaf uu ka dhex taagan yahay Maamulka KMG Jubba ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe..

Khilaafka ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay qaabka ay Beelaha dega Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo u kala qeybsan lahaayen Xubnaha Baarlamaanka, waxa ayna taasi dhalisay in Khilaafka uu saameyn ku yeeshoMaamulka.

Warar hoose waxa ay sheegayaan in Axmed Madoobe uu wado qorsho uu ku badsanaayo Xubnahaasi isagoona isku dayaayo in ilaa Afar beel xubinimadooda ka saaro Baarlamaanka Maamulka, taasina ay diidan yihiin xubnaha kale ee maamulka ee kasoo kala jeeda beelaha kale.

Mas’uuliyiinta uu Khilaafkaasi u dhexeeyo ayaa waxaa xalintooda faraha kula jira dowladda Ethiopa, oo xal u raadineysa, sida ay wararka qaar sheegayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com