26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

SHIRKIIi gobollada dhexe oo laga raray Cadaado loona wareejiyey magaalada..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal ka kooban beelaha wada dega gobolada dhexe, gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug oo shir ku yeeshey magaalada Muqdisho ayaa sheegey in shirka maamul u sameynta gobolada dhexe lagu qabanayo magaalada Dhuusamareeb.

Ugaas Axmed Daahir oo ka mid ah odayaashan shirey ayaa sheegey in shirkani uu yahay mid wada tashi ah, islamarkaasina wixii hadda ka horeeyey dadka deegaanka aysan isaga imanin in fikir mideysan ay ka qaataan shirka maamul u sameynta.

Waxa uu sheegey in halka shirka lagu qabanayo iyo qaabka wax loo dhisayo aysan ahayn wax u yaala beel gaar ah, tahayna wax beelaha walaalaha ah ee goboladaasi wada daga ay si wada jir ah oga arrinsadaan.

Gabogabadii shirka ayaa waxaa kasoo baxay go’aan ah in shirka lagu qabto magaalada Dhuusamareeb, halka markii hore dowladda Soomaaliya ay u qorsheysay in shirka lagu qabto magaalada Cadaado, halkaasi oo qabanqaabada shirka ay ka socotey.

Waxa uu sidoo kale shirkani imanayaa xili mas’uuliyiin dowladda Soomaaliya ka tirsan ay magaalada Dhuusamareeb ka wadaan qabanqaabada shirka, iyada oo la dhisey hoolkii shirarka iyo waliba meelo ay degaan ergooyinka shirka ka qeybgalaya.

Gudiga Farsamo ee Maamul u samaynta Gobolada Dhexe wali wax War ah kama soo saarin Hadalka Odayaasha sheegay in Madasha Shirka loo wareejiyay Magaalada Dhuusamreeb.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News