Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheikh Maxamuud oo ka qeybgalay Munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu baaq u jeediyay R/W CCC Sharmaarke.
Xasan Sheekh ayaa waxa uu Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ugu baaqay inuu kaalin wanaagsan kasiiyo Xukuumada uu soo dhisaayo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha uu kula dar daarmayo in gabdhaha Soomaaliyeed qeyb laga siiyo xukuumada cusub isaga oo tilmaamay in haweenka ay horay baaqaasi usoo jeediyeen.
Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu yiri “Waxaan ku dar daarmayaa, Ra’iisul wasaare in gabdhihii ay dhawaaqeen codkoodii kor ayeey u qaadeen, waxaana ay ku dhawaaqeen in hogaanka iyo talada dalka Qeyb weyn ay ku lahaadaan, waana rajeynaynaa in xukuumada soo socota ay gabdho badan ku jiri doonaan, baaqaas ay soo jeediyeen gabdhaha Soomaaliyeed ayaan la qabaa oo aniguna soona jeedinayaa”
R/W CCC Sharmaarke ayaa dhankiisa kasoo dhaweeyay baaqa waxa uuna sheegay in Xukuumadiisa ay qeyb ka noqon doonaan Haweenka, iyadoo doorka Haweenka inta uu la ekaan doono aan la ogeyn.
Dhanka kale, Madaxweynaha iyo R/W CCC ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay ku dhawaaqi doonaan Xubnaha Xukuumada Cusub.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]