Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan BF Somalia ayaa inoo xaqiijiyay in La-taliyaha dhanka Siyaasada Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia C/kariin Guulleed uu manta bilaabay inuu kulamo kala duwan la qaato Siyaasiyiinta iyo waxgaradka Beeshiisa.
C/kariin Guulleed oo u tafa-xeydanaaya kamid noqoshada Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia, ayaa waxa uu kasbanayaa Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Beeshiisa oo iyagu caqabad ku ah kamid ahaanshihiisa Xukuumada Somalia, si uu uga dhaadhiciyo inay u Ogolaadan in markale uu ka dhexmuuqdo Xukuumada Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid.
Guulleed oo balanqaad rasmi ah ka heysta Madaxweyne Xassan ayaa waxaa hadana balanqaadkaasi hortaagan Odayaasha Beesha Habar-Gidir oo iyagu aan munaasab u arag in Guulleed uu qabto Xubinimada ay Beeshaaki ku leedahay Xukuumada, waxaana hada socda dadaalo uu Guulleed kalsooni uga raadsanaayo Beeshiisa si uu uga dhexmuuqdo Xukuumada cusub.
Dhawaan ayaa waxaa Madaxweyne Xassan la kulmay Odayaal iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda beesha Habar-Gidir oo iyagu Xassan u sheegay inaan la magacaabi Karin shaqsi aysan u igman inuu matalo Beesha, waxa uuna Xassan Sheekh, Guulleed ku xujeeyay inuu Ogolaansho kala imaado dhanka beeshiisa.
Dhanka kale, C/kariin Guulleed ayaa waxa uu laba jeer xilal kala duwan horay uga soo qabtay Xukuumadihii ay kala hogaaminayeen Shirdoon iyo C/weli Sheekh, waxa uu xiligaani xusul duub adag ugu jiraa in lagu soo daro Xukuumada Cusub wallow ay jiraan Caqabado arrintaasi ka heysato.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

