Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu Hogaaminaayo ay maanta dib ugu soo laabteen Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay madaxweynaha in Dowlada Masar ay balanqaadyo kala duwan u sameysay DF Somalia.
Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu sheegay in Somalia iyo Masar uu ka dhexeeyo xiriir soo jireen ah, xiligaana loo baahan yahay in lasii laba jibaaro xiriirkaasi, waxa uuna Tilmaamay in inta uu ku sugnaa Masar uu dhigiisa u sheegay xaaladaha dalka uu ku jiro iyo Horumarada ay DF Somalia sameysay mudadii uu xilka hayay.
Sidoo kale, madaxweyne Xassan waxa uu saxaafada ka hor cadeeyay in Dowlada Masar ay diyaar u tahay in Somalia ay ka saacido dhan waliba, sidaa awgeedna loo baahan yahay inay qaadan talaabo ay ku muujinayaan ka faa’iideysiga fursadahaasi qaaliga ah.
Madaxweynaha ayaa waxa uu Aqalka looga arrimiyo dalka Masar kulamo kala duwan sidoo kale, kula qaatay Madaxda Jaamacada Carabta iyo Cuqaasha dalkaasi Masar oo iyaguna balanqaaday inay garab ka geysan doonaan hanaqaadka dalka Somalia iyo hirgalinta in dalka Somalia ay ka dhacdo doorasho xur ah.
Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ayaa waxa uu wadaa dadaalo uu ku hirgalinaayo in Somalia ay ka dhacdo doorasho waxa uuna Beesha caalamka ka dhaadhicinayaa in Somalia ay il gaar ah ku eegan si looga samata bixiyo dhibaatooyinka daahsaday.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com