26.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 8, 2025

Socdaalka Xasan Sheekh ee Masar iyo saameynta xiriirka Ethiopia iyo Turkiga

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo ay DF Somalia uu xiriir fog kala dhexeeyo Dowlada Turkiga, ayaa waxaa hadana soo ifbaxeyso in Turkiga uusan ku qanacsaneyn in Somalia ay xiriir wanaagsan la yeelato Masar.

Dayip Erdogan oo ah Madaxweynaha dalkaasi Turkiga ayaa taariikhda markii ugu horaysay booqasho ku yimid dalka Somalia iyadoo booqashadaas wixii ka dambeeyay Turkigu gargaar iyo mashaariic horumarineed ku soo faraqay Somalia inkastoo oo aysan mashaariicdan ahayn mid dalka wada gaartay.

Haddaba waxaa xusid mudan in Dowlada Turkiga ay Somalia ka dhex qabatay waxyaabo muuqda oo aan qarsoomeynin waxaana kamid ah Isbtaalka weyn ee Muqdisho, dhismaha laamiyada Muqdisho dhismo Iskuulo iyo dhaqaale uu ku kabo miisaaniyada dowlada Somalia iyo qaar kale oo badan.

Turkigu dhankiisa wuu ka faa’iiday xiriirka uu la yeeshay Somalia.Waxay Dowlaad Somalia Hay’ad laga leeyahay dalka Turkiga qandaraas kula gashay inay la wareegto maamulka iyo maaraynta gegida diyaaradaha ee Aden Abdulle ee Muqdisho.

Xirrirka Turkiga iyo Masar

Dowlada Turkigu waxay cilaaqaadkii ujartay dalka Masar kadib markii madaxweynaha haatan ee dalka Masar Cabdifatax Siisi oo markaas ahaa taliyaha ciidamada Masar afgambiyay dowladii shacabku soo doortay ee Maxamed Morsi iyo gumaadkii ka dambeeyay ee u gaystay taageerayaashii ururka Akhwaanul Muslimiin.Dhowr jeer ayuu madaxweynaha dalka Turkiga Dayip Erdogan ka hadlay madaxweynaha xooga ku qabsaday talada dalka Masar Cabdifataax Siisi isagoo sheegay inuusan madaxweyne sharci ah ahayn, arintan oo ka caraysiisay madaxweynaha dalka Masar waxayna sababtay in labada dowladood cilaaqaadkoodii halkaas ku burburo.

Booqashada Xasan Sheekh ee Masar iyo saameynta xiriirka Turkiga iyo Ethiopia

Madaxweynaha dalka Masar Cabdilfataax Siisi ayaa casuumaad ufidiyay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyadoo saxaafada dalka Masar ay shaacisay danta Masar ugu jirta booqashadan.Xasan Sheekh wuu aqbalay casuumadaas wuxuuna hada ku sugan yahay magaalada Qaahira.Inkastoo dowlada Somalia ay tahay dowlad xor ah oo dalkii ay doonto calaaqaad la sameysan karta ayaa hadana waxaa muhiim ah in madaxweynuhu danta dalkiisa miisaamo oo uu ka ilaaliyo wixii danta dalka dhaawacaya ama caqabad u keeni kara.Sida saxaafada Masar laga sii daayay booqashadan waxaa dano siyaasadeed ka leh Masar oo rabta inay ku dheeli tirto xiriirka ka dhaxeeya Ethiopia oo aynu ognahay inay isku haystaan Wabiga Niil.Ethiopia waxaa dalka Somalia ka jooga ciidamo aad ufarabadan waxayna saameyn balaaran ku leedahay siyaasada Somalia.

Gunaanadkii

Waxaa hubaal ah in booqashada Xasan Sheekh aysan farxad gelinaynin Turkiga iyo Ethiopia, hase ahaatee qiimaynta asalka ahi waa waxa uu kala soo noqdo dalka Masar.Hadii Masar ay taageero ugu deeqdo Somalia, mid dhaqaale,mid militari, deeq waxbarasho iyo nooc kasta oo ay noqotaba waxaa markaas la dhihi karaa booqashada Xasan Sheekh ee Masar waa mid faaiido uleh Somalia dantii ay doontaba Masar ha ka lahaatee laakiinse hadi sidii dhici jirtay uu gacma maran kala soo noqdo waxaynu dhihi karnaa waa booqasho lagu guul daraystay oo dhaawacday diblomaasiyadii iyo dantii qaranka Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News