27.9 C
Mogadishu
Tuesday, February 3, 2026

Maxaa ka cusub dagaallada DEEFOW?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo dagaalka ka socda deegaanka Deefoow ee gobalka Hiiraan, ayaa sheegaya in dagaalka uu weli yahay mid socda, islamarkaana Beelaha uu dagaalka u dhexeeyo uu soo kala gaaray gurmad beeleedyo.

Maleeshiyaadka uu dagaalka u dhexeeyo, ayaa isu adeegsanaaya Hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la soo warinayaa in halkaasi uu hadda ka socdo abaabul lagu doonaayo in lagu damiyo xiisadaasi dagaal.
Dagaalka oo ah mid balaaran ayaa waxa uu halkaasi ka bilowday Subaxnimadii saakay, kaas oo illaa iyo xilligaani ah mid socda.

Wararka aan halkaasi ka heleyno ayaa sheegaya in dhimashada Dagaalka uu kor usii dhaafayo ilaa 8-ruux, halka dhaawacana uu yahay mid buux dhaafiyay goobaha uu dagaalka ka socdo.
Qaar ka mid ah dadkii dagaalkaasi ku dhaawacmay waxaa la gaarsiiyay Isbitaalka Magaalada Baladweyne, sida ay soo sheegayaan wariyaasheena ku sugan magaaladaasi.

Dhanka kale, Maamulka Gobalka Hiiraan, ayaa bilaabay dadaalo ay xal uga gaarayaan dagaalkaasi oo dhowrka saac socda, iyadoona goor dhow la filaayo in goobaha uu dagaalka ka socdo ay gaaran Xubno ka socda Maamulka Gobolka iyo Odayaal dhaqmeedyo kasoo kala jeeda Beelaha uu dagaalka u dhexeeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News