Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka helnay Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in shaki badan uu ka taagan yahay in Cabdikariin Gulleed uu kamid noqdo Xukuumada cusub ee la filaayo in dhawaan lagu dhawaaqo.
Wararku waxa ay sheegayan in Madaxweyne Xasan uu Gulleed ku qanciyay inuu kusii nagaado xilka uu hada ka hayo DF Somalia oo ah La-talinta dhanka Siyaasada Madaxweynaha, waxaana jiro warar aan la hubin oo sheegaya in Xukuumada cusub ay ka dhex muuqan doonaan Wasiiradii hore qaar ka mid ah.
Wasiirada soo laaban doona ayaa waxaa kamid ah, Wasiirkii Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir, Wasiirkii Arrimaha Dibadda C/raxmaan Beyle, iyo Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/llaahi Goodax Barre.
Sidoo kale, waxaa jiro xog hoose oo sheegeysa in Wasaaradaha Cusub aysan kamid ahaan doonin wasaaradda Amniga Qaranka oo la filaayo in laga dhexsaari doono Golaha Wasiiradda Cusub, sida u xaqiijiyay mid kamid ah Howlwadeena Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxa’uud ayaa ka codsaday RW Cumar C/rashiid in uusan kusoo darin Golahiisa Wasiiradda Wasaaradda Amniga, iyadoo uu Xasan Sheekh sheegay in isaga ay hoos imaan doonto Wasaaraddaasi.
Dhanka kale, Arrimaha Amaanka dalka, ayaa waxaa laga xukumi doonaa Madaxtooyadda Soomaaliya, si Hay’adda Amniga Qaranka uga madax banaanaato Wasiirka Amniga, loogana fogaado isku-dhacyo & Khilaafyo hore u jiray.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com