Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa waxa uu goor dhow ka dhacay Xaafada Taleex ee magaalada Muqdisho, kaasi oo la sheegay in gaari nooca raaxada ah loogu xiray Sargaal ka tirsanaa Waaxda Socdaalka.
Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la soo warinayaa inuu ku dhintay kaliya Sargaalkaasi, iyadoona qaraxa kadib ay halkaasi soo buux dhaafiyeen Ciidamada Nabadsugida iyo kuwa Booliska oo xiray agagaarka uu qaraxa ka dhacay.
Lama oga goobta qaraxaasi looga soo xiray, gaariga waxa uuna imaanayaa qaraxaasi iyadoo mudooyinkaani uu magaalka kusoo badanaayay Qaraxyada loo adeegsanaayo Gaadiidka yar yar.
Dhanka kale, waxaan qaraxaasi weli ka hadlin Laamaha Ammaanka DF Somalia, inkastoo ay halkaasi xiligaani ku sugan yihiin Mas’uuliyiin ka tirsan laamaha amaanka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

