28.6 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Saleebaan M. Ibraahin oo la sheegay inuu ka mid yahay WASIIRADA CUSUB

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Maalmihii ugu danbeeyay Warbaahintu si isdaba joog ah u heleysay warar si hoose looga helayo Madaxtooyada gaar ahaan raga la filayo inay wasiirada cusub ku jiraan ayaa waxaa soo kordhaya magacyada raga la filayo inay ku biiraan wasiirada cusub.

Saleebaan Maxamed Ibraahin oo ka mid ahaa Xildhibaanadii ku jirey Dowladii hore ee Shariif ayaa ku soo biirey liiska Wasiirada cusub ee lagu wado in dhawaan lagu dhawaaqo.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Mas’uulkaani ka mid yahay Wasiirada cusub ee uu soo xushay Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake.

Diblomaasiga aan ka helnay warkaan ma uusan noo sii carabaabin xilka ama wasaarada loo dhiibay Saleebaan Maxamed Ibraahim balse wuxuu noo xaqiijinayaa in Xildhibaankaan hore uu ku jiro wasiirada cusub.

XILDHIBAN-HORE

- Advertisement -

Read more

Local News