32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

CCC oo la kulmay BEESHA Mareexaan xilli la isku haysto wasaarad muhim ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federalka Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa waxa kulan muddo saacado ah qaatay uu la qaatay Odayaasha, Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Beesha Mareexaan.

Kulanka oo dhacay shalay galab, ayaa arrimaha ay kaga hadleen waxaa ugu muhiimsan Gobolada Jubbooyinka, magacaabidda Golaha Wasiirada cusub iyo saamiga ay ku yeelan doonto beeshaasi.

Beesha Mareexaan, ayaa waxay si weyn u daneyneysaa inay hesho booska Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliya, waxayna ka soo horjeedaa in la siiyo mid ka mid ah beelaha kale ee Daarood, xilli la lee yahay Madaxweynaha Somaliya wuxuu la doonayaa Xuseen Cabdi Xalane, Sii Haayaha Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.

Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu qaatay eedeymo ay u soo jeediyeen dhinacyadaasi, oo ah in uu ku lug lee yahay tallaabada Ciidamada Kenya ku yimaadeen Magaalada Kismaayo, inkastoo uu isku difaacay inaanay arrintu noqon sidii ay qorsheeyeen.

Sidoo kale wuxuu balanqaaday kolka uu soo dhiso Xukuumaddiisa in ciidan kale oo Midowga Afrika ka socdo la gayn doono Magaalada Kismaayo, si Ciidanka Kenya aynaan u noqon awooda Amisom ee ugu xoogan Jubbooyinka.

Waxa kaloo uu balanqaaday in wefdi ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaano loo diro doono Magaalada Kismaayo, si ay uga soo turxaan bixiyaan marxaladda dhabta ah ee ka jirto. Si Maamulka Jubba loo waafajiyo mid ay ummadu lee dahay, oo aynaan gaar ku noqon cid gooni ah.

Ra’iisal Wasaare Sharmaarke, wuxuu sidoo kale sheegay in la dhiso doono Ciidanka Xooga Dalka oo qaab Federalism ah, uga hawlgala Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Ina C/rashiid, ayaa Beesha Mareexaan ka codsaday inay la shaqeyso Xukuumaddiisa, isagoo ku andacoonaaya in laga doonaayo inay dalka oo idil gaarsiiso, doorasho xalaal ah oo ka qabsoomta 20 bilood ka dib.

Kulankaan wuxuu noqonayaa noociisii ugu horeeyay oo Ra’iisal Wasaaruhu, uu la yeesho Beesha Mareexaan, tan iyo markii 17-kii bishii hore ee December loo soo magacaabay in uu noqdo Wasiirka 1-aad ee Xukuumadda cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News