Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta gubay dawooyin maandooriye ahaan loo adeegsado oo hore loogu qabtay dekedda Muqdisho, kuwaas oo maxkamaddu ay amartay in gob fagaare ah lagu gubo.
Dawooyinkan oo si khaldan loo adeegsan jiray ayaa lagu gubay goob ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay mid looga hortagayo khatarta ay ku hayeen bulshada Soomaaliyeed.
Afhayeenka ciidanka booliska oo warbaahinta kula hadlay goobta lagu gubayay daawooyinkan ayaa sheegay in qiimaha dawooyinka la burburiyay uu gaarayo ku dhowaad 20 kun oo doollar, isagoo xusay in si ka baxsan ujeeddooyinkooda caafimaad loo adeegsan jiray.
Waxa uu tilmaamay in dadka isticmaala dawooyinkan ay la kulmaan dhibaatooyin caafimaad iyo kuwo nafsiyeed, isla markaana mararka qaar ay sababaan falal amni darro iyo dhibaatooyin kale oo bulshada saameeya.
Dawooyinka la gubay waxaa ka mid ah kaniiniyada loo yaqaan Pregabalin, oo sidoo kale loo garanayo “bilibili” iyo Tramadol, kuwaas oo asal ahaan loo isticmaalo daaweynta xanuunnada qaarkood, balse si qaldan ay u adeegsadaan dadka doonaya inay jirkooda ku daroogeeyaan.
Muddooyinkii u dambeeyay ayay hay’adaha ammaanka Soomaaliya kordhiyeen howl-gallada lagu qabanayo dawooyinka maandooriyaha loo isticmaalo, kuwaas oo inta badan laga soo geliyo dalka dekedaha iyo marinno kale oo ganacsi.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan sheegtay inay xoojinayso la-dagaallanka maandooriyaha iyo waxyaabaha halista ku ah caafimaadka iyo amniga bulshada, iyadoo saraakiisha amniga ay ku baaqeen in la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo shacabka si looga hortago faafitaanka dawooyinka sida khaldan loo isticmaalo.
Hoos ka daawo muuqaalka

