26.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Erdogan oo Soomaaliya ku daray dalalka Turkiga ka…

Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayib Erdoğan ayaa sheegay in dalkiisa uu maanta yahay rajada ay ka war sugayaan dalal iyo magaalooyin badan oo ka tirsan dunida Islaamka, isagoo xusay in doorka Ankara uu si isa soo taraya uga muuqanayo arrimaha amniga, horumarka iyo gargaarka bani’aadannimo.

Erdoğan oo khudbad u jeedinayay xubnaha iyo taageerayaasha xisbigiisa AK Party ayaa sheegay in xisbiga talada haya iyo dowladda Turkigu aysan rajo u ahayn oo keliya shacabka Turkiga, balse ay sidoo kale rajo u yihiin dalal iyo bulshooyin badan oo ku nool dunida Islaamka iyo gobollada ay colaaduhu saameeyeen.

Madaxweynaha Turkiga ayaa si gaar ah u xusay magaalooyin iyo dalal dhowr ah oo uu sheegay inay indhaha ku hayaan doorka Turkiga, isagoo yiri: “Ha niyad jabina. Waxaad tihiin rajada keliya ee Qasa, Dimishiq, Xalab, Muqdisho, Khartuum, Bayruud, Tripoli, Shaam iyo Lubnaan.”

Sidoo kale, Erdoğan ayaa sheegay in magaalooyin iyo dalal kale sida Nicosia, Baku, Sarajevo, Skopje, Prizren, Baqdaad iyo Basra ay si dhow ula socdaan siyaasadda iyo doorka Turkiga, isagoo ku boorriyay xubnaha xisbigiisa inay sii laba jibbaaraan dadaalladooda iyo shaqada ay u hayaan dalka.

Hadalka madaxweynaha Turkiga ayaa mar kale muujinaya muhiimadda ay Ankara siinayso Soomaaliya, oo uu si gaar ah u xusay, xilli xiriirka labada dal uu gaaray heerkii ugu sarreeyay tan iyo booqashadii ugu horreysay ee Erdoğan uu ku tagay magaalada Muqdisho sannadkii 2011.

Booqashadaas oo ku soo beegantay xilli Soomaaliya ay wajahaysay abaaro daran iyo xaalado amni oo adag, ayaa ahayd mid wax weyn ka beddeshay xiriirka labada dal, iyadoo Turkigu tan iyo markaas noqday mid ka mid ah saaxiibbada iyo taageerayaasha ugu waaweyn ee Soomaaliya.

Turkiga ayaa sannadihii la soo dhaafay Soomaaliya ka hirgeliyay mashaariic waaweyn oo la xiriira kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo gargaarka bani’aadannimo.

Sidoo kale, Ankara ayaa door weyn ka qaadatay dib-u-dhiska ciidamada Soomaaliya, iyadoo Muqdisho ka dhistay xerada tababarka ciidamada ee TURKSOM, halkaas oo lagu tababaray kumannaan askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, labada dal ayaa sii xoojiyay iskaashigooda dhinacyada tamarta iyo dhaqaalaha, iyadoo Turkigu uu haatan ka wado xeebaha Soomaaliya howlaha sahminta shidaalka iyo khayraadka dabiiciga ah.

Hadalka Erdoğan ayaa imanaya xilli xiriirka Ankara iyo Muqdisho uu marayo heerkii ugu xoogga badnaa, iyadoo iskaashiga labada dal uu ku fidsan yahay dhinacyada amniga, dhaqaalaha, tamarta iyo horumarinta adeegyada bulshada.

- Advertisement -

Read more

Local News