27.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

IRAN oo beenisay sheegashada Trump iyo xiisadda oo markale cirka isku shareeri karta

Bookmark
Bookmarked

Share

Dooxa (Caasimada Online) – Dowladda Iiraan ayaa si rasmi ah u beenisay hadal uu saacado ka hor jeediyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas oo sheegay in wada-hadallo u dhexeeya Washington iyo Tehran ay maanta ka furmi doonaan magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Esmaeil Baghaei ayaa sheegay in aysan jirin wax wada-hadallo ah oo u qorsheysan Iiraan iyo Mareykanka maalmaha soo socda, isagoo meesha ka saaray wararka la xiriira kulamo labada dhinac u dhexeeya oo ka dhici doona Qatar.

Baghaei ayaa sidoo kale caddeeyay in wafdiga Iiraan ee toddobaadkan booqanaya magaalada Dooxa uusan la kulmi doonin wax mas’uuliyiin Mareykan ah, isagoo xusay in safarka wafdigaasi uu la xiriiro arrimo diblomaasiyadeed iyo kulamo kale oo horay loo sii qorsheeyay.

Warbaahinta Al Jazeera ayaa baahisay hadalka afhayeenka wasaaradda, iyadoo xustay in Tehran ay si toos ah uga jawaabtay sheegashada Trump, taas oo dhalisay hadal-heyn ku saabsan suuragalnimada in dib loo bilaabo wada-xaajoodyada u dhexeeya labada dal.

Xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan ayaa muddo dheer ahaa mid aad u kacsan, gaar ahaan tan iyo markii Mareykanku sanadkii 2018 ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee loo yaqaanay JCPOA, xilli maamulka Trump uu dib u soo rogay cunaqabateyno adag oo ka dhan ah Tehran.

Dalka Qatar ayaa sannadihii u dambeeyay door muhiim ah ka qaatay dhex-dhexaadinta iyo martigelinta wada-hadallada gobolka, iyadoo Dooxa ay dhowr jeer noqotay goob lagu qabto kulamo diblomaasiyadeed oo u dhexeeya dalal ay ka jiraan xiisado siyaasadeed.

Inkastoo marar kala duwan ay soo baxeen warar ku saabsan suurtagalnimada wada-hadallo cusub oo dhex mara Mareykanka iyo Iiraan, haddana dowladda Tehran ayaa marar badan ku adkeysatay in wada-hadal kasta uu ku xiran yahay xaaladaha siyaasadeed iyo cunaqabateynaha saaran dalkaasi, iyadoo hadda si cad u beenisay jiritaanka kulan dhawaan ka dhici doona magaalada Dooxa.

- Advertisement -

Read more

Local News