27.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Sawirro: Mahad Salaad oo maanta gaaray Balanbale kadibna…

Bookmark
Bookmarked

Share

Balanballe (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta magaalada Balanballe ee gobolka Galgaduud ka dhagax-dhigay xero ciidan oo ay yeelanayaan ciidamada NISA.

Xeradan cusub ee laga dhisayo degmada Balanballe ayaa loogu talagalay inay saldhig u noqoto ciidamada hay’adda ee ka shaqeyn doona sugidda amniga degmada iyo deegaannada hoos yimaada, iyadoo la filayo inay door ka qaadato xoojinta amniga gobolka.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, saraakiil ciidan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qayb galay munaasabadda dhagax-dhigga xerada, iyagoo soo dhaweeyay dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha amniga.

Taliye Mahad Salaad, oo safar shaqo ku maraya deegaanno ka tirsan Galmudug ayaa intii uu ku sugnaa gobolka Galgaduud u kuurgalay xaaladda amniga, gaar ahaan degmooyinka ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, taliyaha ayaa kulamo wadatashi ah la yeeshay saraakiisha amniga, maamulka degmada iyo qaybaha bulshada, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga, iskaashiga bulshada iyo hay’adaha ammaanka, iyo ilaalinta nabadda deegaannada gobolka.

Taliyaha NISA ayaa sidoo kale maalmo ka hor magaalada Caabudwaaq ka dhagax-dhigay xero ciidan oo ay yeelan doonto hay’adda NISA, taas oo qayb ka ah qorshaha lagu xoojinayo awoodda amni ee gobolka Galgaduud.

Mahad ayaa sheegay in xaruntaasi ay muhiim u tahay sugidda amniga deegaannada waqooyiga Galgaduud, isla markaana ay kaalin weyn ka qaadan doonto la-dagaallanka kooxaha khatarta ku ah xasilloonida gobolka.

Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe kordhisay dadaallada lagu ballaarinayo xarumaha ciidamada iyo hay’adaha amniga ee ay ku leedahay gobollada dalka, si loo xoojiyo amniga loona taageero howl-gallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

- Advertisement -

Read more

Local News