Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay xafiiska Sii hayaha xilka Wasiirka wasaaradda Haweenka iyo xuquul insaanka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa lagu sheegay in dacwad ka dhan ah Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo hanti dhowrka guud loo gudbiyay Xafiiska R/W CCC.
Khadiijo Maxamed ayaa sheegtay in dhaqan ahaan aysan ku qancin habdhaqanka Labadaasi Mas’uul, waxa ayna Tilmaantay in dacwad qodobeysan ay ka gudbisay Xeer ilaaliyaha iyo Hanti dhowraha guud.
Sidoo kale waxa ay farta ku goday in illaa hadda ay sugayso baaris ay sheegtay inay ku sameynayeen Xafiiska xeer ilaalinta iyo hanti dhowrka.
Waxa ay caddeysay in agaasimihii wasaaraddaasi Maxamed Cumar lagu soo daayay damaanad isla mar ahaantaana illaa iminka wax jawaab ah aysan ka helin xeer ilaalinta iyo hanti dhowrka oo ay ku eedeysay inay galeen xad-gudub.
Waxa ay sheegtay in Warqad qoraal dacwad ah ay u gudbisay Xafiiska Ra’isul wasaaraha Dowlada Federaalka ah ee Somalia Cumar Cabdirashiid Cali sharmaarke si wax looga qabto xarigii agaasimaha iyo fara-galin lagu sameeyay wasaaradda ay maamusho.
Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa waxa ay ka codsatay inay il gaar ah ku eegaan dhaqanada ay adeegsanayaan Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo Hanti dhooraha guud oo ay ku jirto degdeg iyo hubsi la’aan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

