31.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Puntland: Qorshe baan wadnaa si aan uga hortagno maamulka g/dhexe + Cod

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa qiray inuu wado qorshe lagu majaxaabinayo dhismaha maamulka gobollada dhexe ee Mudug iyo Gal-Gaduud, oo ay dhib u arkaan.

Wasiirka waxbarashada Puntland, Cali Xaaji Warsame ayaa si cad u sheegay in ay ka soo horjeedaan maamulka gobollada Mudug iyo Gal-Gaduud, waxaana uu tilmaamay in ay socdaan dadaallo arintan looga hortagayo.

“Maamulka laga samaynayo Koonfurta Mudug iyo Galgaduud iyo intii sharcigu waa faqi karo waa u furan tahay inay ku darsadaan gobollada kale sida Hiiraan, ma jiro wax maamul ah oo la yiraahdo Mudug iyo Galgaduud, arrintaasi saxna ma aha qaynuunna ma aha” ayuu yiri Cali Xaaji Warsame.

Cali Xaaji ayaa sidoo kale ka hadlay hirgalka heshiiskii dowladda faderaalka iyo Puntland, waxuuna sheegay inaan la hirgalin heshiiskii sanadkii hore magaalada Garoowe ku dhexmaray mas’uuliyiin dowladda federaalka ah ee Somaaliya ka socotay iyo mas’uuliyiinta maamulka Puntland.

Hoos ka dhagayso Cali Xaaji

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News