Sawirro iyo video cajiib ah: MUQDISHO oo xaafad casri ah laga dhisayo (Arag)

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabad lagu soo bandhigayay xaafad cusub oo lagu magacdaray Daaru Salaam City oo ganacsato Soomaaliyeed ay ka hirgelinayaan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Dhismaha xaafadan ayaa waxaa iska kaashanaya Bankiga Islaamiga ah ee Salaam Somali Bank, Shirkad qaabilsan dhismaha oo lagu magacaabo Al-Buruuj iyo Shirkada Salaam Property kuwaa oo soo bandhigay qaabka ay u damacsanyihiin in ay u hirgaliyaan xaafadaasi cusub, waxayna ka qeyb galayaasha u soo bandhigeen Muuqaalo muujinaya xaafad aad u qurux badan oo ay u riyaaqeen dhamaan intii xafladda joob jooga ka ahayd.

Guddoomiyaha Shirkadda Salam Property Cabdirisaaq Xaashi Jimcaale oo ah shirkadda bixisay dhulka laga dhisayo xaafadda cusub ayaa sheegay in xaafaddan cusub ay u dhameystiranyihiin adeegyadii loo baahnaa oo dhan.

“Dhulka jidka waxa uu u jiraa ilaa iyo todobo KM, waxaana uu leeyahay suuq, masaajid iyo goob caafimaad, guryahana waxa ay noqon doonaan kuwa dabaq ah iyo kuwa kale, isla markaana bulshada ay soo dhaweyn doonto”. ayuu yiri C/risaaq.

Maxamed Cabdi Colow oo ka socday maamulka Bankiga Islaamiga ah ee Salam Somali Bank ayaa waxa uu sheegay in mar waliba bankigu uu diyaar u yahay in bulshada Soomaaliyed uu maalgalin u sameeyo mashaarciida nuucaan oo kale ah, isla markaana ay sii wadayaan horumarinta adeegyada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya Maxamuud Cabdi Gabeyre oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii ka qayb gashay munaasabada ayaa bogaadiyay Ganacsatada Soomaaliyeed ee isku howlay hirgelinta dhismayaasha cusub, waxaana uu balan qaaday in ay taageerayaan horumarinta caasimadda.

Halkan hoose ka daawo Video-ga naqshadda xaafadda iyo sawirrada munaasabaddii maanta

daar1daar2daar3daar4daar5daar6daar7????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????