31.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xog: Yaa helaya xubinta beesha Habar-Gidir ee golaha wasiirada cusub ee DF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mida saaxiibadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad loo xaqiijiyay in loo diiday ka mid noqoshada Golaha wasiirada cusub, loona caddeeyay inuusan ka mid noqon doonin xubnaha golaha wasiirada xukuumada cusub ee la dhisi doono, kadib markii uu kusoo bixi waayay kala doorashadii uu sameeyay madaxweynaha.

C/kariin Xuseen Guuleed oo u sharaxnaa wasiir ayaa war uusan filayn oo naxdin ah habeen hore kala kulmay madaxweynaha markii ay isku maandhaafeen jagada wasiir ee Beesha C/kariin qofka lagu qorayo.

Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu jagadaasi siiyay Mahad Maxamed Salaad oo hore u ahaa wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda xukuumadii kalsoonida ka weyday Baarlamaanka.

Ninkan ayaa si weyn uga dhex muuqday mooshinkii lagu riday xukuumadii C/weli wuxuu shaqo fiican kasoo qabtay Gobolada Dhexe, taasoo keentay inuu madaxweynuhu soo dhoweysto.

Madaxweynaha ayaa si cad ugu sheegay C/kariin Guuleed inuu sii ahaan doono La-taliyihiisa siyaasadda balse aanu ka mid noqon doonin Golaha wasiirada, go’aankaas oo la sheegay inuu C/kariin ka carooday, kadibna isaga tegay shir ay lahaayeen isaga iyo madaxweynaha.

Waa markii ugu horeysay ee xubno si weyn ugu dhow madaxweynaha caqabad ka soo wajahdo saaxiibkood, taasoo loo aaneynayo inay ka timid ciriiriga siyaasadeed ee xilligan heysta madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News