Muqdisho (Caasimada Online) – Mudane ka tirsan BF Somalia ayaa ka hadlay siyaasad cusub oo uu sheegay inuu la yimid madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.
Mudanahaani oo sabab jirta awgeed uga gaabsaday magaciisa, ayaa sheegay in madaxweynaha uu sanadkaani wax badan ka bedelay siyaasadii ay ku garanayeen, waxa uuna qeexay in haddii loo madaxbaaneyn lahaa magacaabista wasiirada, uu dhammaantood ka wada dhigi lahaa Dumar.
Wuxuu sheegay in R/W CCC uu xiligaani hordhigay Liis ay ku jiraan ku dhawaad 8 dumar oo uu doonaayo in loo magacaabo wasiiro, balse taasi uu kasoo horjeedo ra’isul wasaare Sharmaarke, inkasta oo aanay caddeyn sababta.
Dowladihii horey usoo maray Soomaaliya, ayaa waxaa inta badan ku yaraa xubnaha dumarka marka ay timaado golaha wasiirada iyo xildhibaanada intaba, waxaana ay noqon lahayd is-beddel wanaagsan, haddii dumar badan lagu soo daro wasiirada cusub .
Dhowaan ayaa xoghayaha guud ee QM, Ban Ki Moon waxa uu ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ka codsaday in dumarka uu kaalin muuqata ka siiyo golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

