25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Dhageyso: Xildhibaaan Xog dheeri ah ka bixiyey qaabkii uu CCC isku dhiibay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Bishaar Ugaas oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyey qaabkii uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke uga laabtay golihiisa wasiirada.

XIldhibaan Bashiir ayaa sheegay in Cumar uu gudoonka baarlamaanka u gudbiyay qoraal ku saabsan in dib uu uga laabtay wasiiradii uu soo magacaabay, islamarkaana uu dalbaday muddo 14-cisho ah oo wasiiro kusoo magacaabo.

Xildhibaanka oo u waramay VOA ayaa sheegay in qoraalkaasi uu ku cadeeyay ra’iisul wasaaraha in dib u eegis badan oo uu sameeyay ka dib garwaaqsaday in aanu haysan taageero shacab iyo midda xildhibaanada, sidaa darteed uu dib uga laabtay wasiiradii uu soo magacaabay.

“Qoraalka waxa uu ku qoray ka dib markii uu arkay, dib u eegis ku sameeyay mudadii gaabneed ee hadda ay magacawnaayeen wasiirada, waxa uu ogaaday uuna garwaaqsaday inaysan taageero ka haysan shacabiga Soomaaliyeed iyo in aysan helaynin kalsoonida golaha baarlamaanka, sidaa darteed waxa uu dhahay waan ka laabtay, muddo 14 cisho ayuu ka codsaday baarlamaanka in ay siiyaan taasi oo uu kusoo magacaabi doono wasiiro cusub, wada tashina kala sameyn doono xildhibaanada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, gudoonka baarlamaanka Soomaaliya waxa uu horgeyn doonaa golaha baarlamaanka, sidaas ayeeyna ahayd, haduu dhahay waan ka laabtay wixii aan magacaabay in aysan soconeen baan arkay, cid dhahaysa wey soconeysaa waa qasab ma jirto, sidaa darteed gudoonka waa inuu horgeeyaa qoraalka iyo soo jeedinta, waxaana lagu wadaa in qoraal uu kasoo saaro xafiiskiisa inta aan baarlamaanka la furin” ayuu yiri Xildhibaan Bishaar Ugaas.

Xildhibaanka ayaa dhanka kale sheegay in isaga iyo xubno kale oo baarlamaanka ka mid ah ay qabeen aragti ah in meesha aanay jirin xukuumad tayo leh oo lasoo magacaabay, ayna matalayeen aragtida shacabka wasiiradaasi ka qabeen.

Halkan ka dhageyso xildhibaan Bashiir

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News