Muqdisho (Caasimada Online) – Hormuudka Jaamacada SIU ee Magaalada MuqdishoProfessor Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in arin la filanayay ay ahayd in dib u eegis lagu sameeyo wasiirada cusub ee uu soo Magacabay Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, isaga oo dhanka kale sheegay in qaabka hadda ay wax u socdaan ay tahay dhaqan siyaasadeed cusub.
Xafiisyada Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha ayuu sheegay in ay ku deg degeen soo magacaabista wasiirada cusub, iyadoo aan la dhayin nabaradii jiray xukuumada Cabdiweli Sheekh Axmed, sidoo kalena aysan suurta gal noqon karayn in 70% wasiirada ay ka yimaadaan dhanka Baarlamaanka.
“Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, waxay ku deg degeen magacaabista ama soo jeedinta golaha wasiirada cusub, sababta waxay tahay, waxaa la ogaa wixii soo maray dalka, xukuumadii Cabdiweli dabcan iyadoo nabaradaasi la dhayin in aysan suurta galayn waa la ogaa, waxaa la haayay Nambar ka badan 86 xildhibaan oo gooni ah, waxaa la filaayay dadkii loo balan qaaday xilligii isbedalka Cabdiweli uu dhacaayay in qof walba dhabarka laga taabtay oo la dhahay adigaa noqonaya wasiir waan kaa hubaa arintaasi, in ka badan 38 xubnood ayaa golaha wasiirada cusub ku jiraan oo ka imaanaya Baarlamaanka, suurta gal ma ahan marka xukuumad ka kooban 50 iyo xoogaa ay in ka badan 70% ay baarlamaan ka yimaadaan, hadana xubnaha baarlamaanka aanay weli ku qanacsaneen xulashadaasi, waa wax qof bini aadam ah aysan xal u heli kareen”ayuu yiri Yaxye Cali Ibraahim.
Dhanka kale, Professor Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in dhaqan siyaasadeed cusub ay tahay xildhibaano Laba Kutlad kala sameystay hadana halkaasi ku mideeya aragtidooda iyada oo kutlad walba xildhibaanada ku mideysan ay aragtidooda mid tahay.
Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

