25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Gudoomiyaha X/Weyne oo lasii daayey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dib xoriyadiisa u helay gudoomiyaha degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir C/qaadir Maxamed C/qaadir, kaasi oo la xeray gelinkii dambe ee shalay isaga iyo ku xigeenkiisii dhanka arimaha bulshada.

Gudoomiyaha degmada Xamarweyne ayaa la siiyay abaaro 01:00 ee xalay sida uu sheegay, waxaana lagu waayay eedeymihii loo jeediyay oo ahaa leexsashada gargaar loogu talo galay ciidamada naafada xooga dalka.

War qoraal ah oo uu gudoomiyaha soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in xalay abaaro 01:00 habeenimo dib loo siiyay xuriyadiisa kadibna lagu waayay wax dambi ah, sida uu hadalka u dhigay.

Waxyaabaha loo heyso waxaa ugu weynaa raashiin gargaar oo la doonayay in dad danyar ah loo qeybiyo oo la sheegay inuu leexsaday islamarkaana uu doonayay inuu iibsado.

“Dhammaan Asxaabteyda Waad mahadsan tihiin, xilligan oo ay Saacadu ku beegan tahay 1:00 saqda dhexe, waxaan idinla socodsiinayaa inan xoriyadeyda dib u heylay kadib saacado la waday baaritaan.alxamdulilaah bari subax shaqadeyda dib ayaan u bilaabayaa mudadii yareedna waxan idiin sheegaa in wax danbi ah la igu waayay (daacadi ma hungowdo) waxana diyaar u ahay inaan ushaqeeyo shacabkeyga waliba si daacad ah” sidaasi ayuu yiri gudoomiyaha degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka xafiiska xeer ilaalinta qaranka oo lagu cadeynayo sii deysmada gudoomiyaha degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir iyo in dambi lagu waayay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News