27 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Gudoomiyaha Xamarweyne oo hadal cajiib ah ka yiri xarigii loo geystay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Gudoomiyaha degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ayaa kahadlay xarig loo geystay kadib markii lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa lunsasho gargaar loogu talo galay naafada xooga dalka Soomaaliya.

C/qaadir Maxamed C/qaadir, gudoomiyaha degmada Xamarweyne oo ka hadlay goob ay ka socotay olole nadaafadeed ayaa sheegay in xariga loo geystay uu ahaa mid sharci daro ah, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay inay wanaagsan tahay in isla xisaabtan ay sameeyeen hayadaha kala duwan ee dowlada Soomaaliya, laakiin xarigiisa aan sharciga loosoo marin sida uu hadalka u dhigay.

“Nidaamka sharciga lama soo marin oo waxaa la iiga kaxeeyay goobteyda shaqadeyda, waxaana u mahad celinaynaa maamulka gobolka Banaadir oo soo deysmadeyda ka qeyb qaatay, waxaan raali aan ka noqoneynin in wado qaldan loosoo maro xarigeyga, laakin sharciga diyaar ayaan u nahay” ayuu yiri gudoomiyaha Xamarweyne.

Gudoomiyaha ayaa la xiray gelinkii dambe ee shalay, waxaana lasii daayay xalay saqdhexe, isagoo sheegay in sharci darada uusan u dul qaadan doonin, sida uu sheegay gudoomiyaha degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Qaar kamid ah beelaha banaadiriga oo maanta saxaafada la hadlay ayaa sheegay inay ka xumaadeen xarigii loo geystay gudoomiyaha degmada Xamarweyne, iyagoo sheegay in sharciga la maro ay wanaagsan tahay mar walbaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News