Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”, iminkana ah gudoomiyaha xisbiga Cadaalada iyo Bulshada ayaa ka hadlay marxalada dalka iyo go’aankii shalay ay qaateen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
Maxamuud Tarsan, oo la hadlay Idaacada Risaala oo kamid ah idaacadaha Muqdisho, ayaa marka hore fariin u diray madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali.
Wuxuu madaxwweynaha Soomaaliya kula dardaarmay inuu dib u eego labadii sano ee lasoo dhaafay waxii u qabsoomay, uuna ka fakaro sida ay wax kusii socon karaan sanadaha u harsan.
Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in laga fakaraa mustaqbalka dalka Soomaaliya, laguna xisaabtamo waqtiga yar ee u haray madaxda dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Tarsan, ayaa fariin u diray CCC ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, isagoo sheegay in mar walbaa lala xisaabtami doono ra’iisul wasaaraha oo aan laga yeeli doonin in golaha wasiirada loo keeno isna uu ku dhawaaqo.
Wuxuu sidoo kale kula darmaamay ra’iisul wasaaraha inuu la tashiyo badan la sameeyo beelaha kala duwan ee dalka, oo uusan aqbalin shaqsiyaad ku qasbaya magacaabista golaha wasiirada cusub ee dalka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

