Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay inuu rajo xumo u muujiyey qaar ka mid saaxiibadiisa xilalka wasiirnimo ka doonaya xukuumadda uu soo dhisi doono ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.
Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha uu iminka dareemayo inay adkaan doonto inuu ka horyimaado rabitaanka xildhibaanada iyo shacabka Soomaaliyeed.
Xasan Sheekh ayaa siyaabo kala duwan ula hadlay guddoomiye Jawaari iyo R/W Cumar Cabdirashiid, balse waxaa la sheegayai in labadaba ay u sheegeen in xalka uu ku jiro in xubnaha uu ku adkeysanayo ee saaxiibadiis ah uu ka tanaasulo.
Ilo-wareedyada Caasimada Online ayaa sheegay in madaxweynaha uu siyaabo kala duwan ula kulmay Faarax Cabdulqaadir, Cabdullahi Sambaloolshe, Cabdikariin Guuleed iyo Xuseen Cabdi Xalane uuna u sheegay in albaab kasta uu kasoo xirmay.
Sida xogtan ay leedahay, madaxweynaha ayaa iminka garwaaqsaday inaan la qasbi karin xildhibaanada, sidoo kalena ay dhammaatay maalmihii laaluushka.
Sida ay wararka sheegayaan waxaa laga yaabaa in Xasan Sheekh uu saaxiibadiis ku qanciyo xilal kale oo aan wasiir ahayn, inkasta oo aan la ogeyn waxa ay noqon doonaan.
Caasimada Online
Xafiiska muqdisho
[email protected]

