Muqdisho (Caasimada Online) – Farshaxaniistaha caanka ah Amin arts ayaa waxa uu soo bandhigay Sawir gacmeed ka turjumaayo Damaca Siyaasadeed ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia kaas oo ku aadan Golaha Wasiirada.
Sawir gacmeedkaani ayaa waxaa lagu muujiyay in Ra’isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid lagu cadaadinaayo inuu dib usoo celsho Wasiirada kala ah Faarax Sheekh Cabdulqaadir, C/kariin Xuseen Guulleed, Xuseen Cabdi Xalane, isagoo lagu amray inuu qaab kale u adeegsado magacyada shaqsiyaadkaasi si loo qaldo Golaha Baarlamaanka.
Sawirkaani ayaa waxa uu ka turjumayaa Cadaadinta lagu hayo Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid oo isagu xiligaani u dhexeeya Madaxweynaha iyo Golaha Baarlamaanka.


