Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Villa Somalia ayaa sheegaya in halkaasi uu kulan adag ku dhexmaray Ra’isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Cusman Jawaari.
Kulanka oo ah mid ku saabsan hanaanka lagu soo xulaayo Golaha Wasiirada, ayaa waxaa arrintaasi uu Ra’isul wasaaraha xog dheeraad ah ka siiyay Jawaari oo la rumeysan yahay inuu kala dhexeeyo xiriir wanaagsan.
Ra’isul wasaare Cumar, ayaa waxa uu Gudoomiyaha u sheegay in Caqabado kala duwan uu kala kulmaayo dhanka Xafiiska Madaxweyne Xasan taasina loo baahan yahay in xal laga gaaro ka hor inta aan la gaarin xiligii lagu balamay ku dhawaaqida Wasiirada.
Waxa uu sheegay in Madaxweynaha uu soo gudbiyay qoraal uu ku codsanaayo in ilaa Laba Wasiir oo saaxiibo dhow la ah kana tirsan Wasiirada la diidan yahay loogu soo daro Wasiirada cusub, taasina ay caqabad ku tahay dhismaha Wasiirada Cusub.
Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa dhankiisa ka sheegay in Golaha wasiirada ay tahay mid xisaabtankeeda u yaal Golaha Baarlamaanka, islamarkaan aysan suuragal noqon karin in lagu murmo Wasiiradii la diiday.
Waxa uu Ra’isul wasaaraha kula taliyay inuu ka fogaado waxwaliba oo sababi kara fashil mar kale ku imaada Golihiisa Wasiirada, taasina looga gudbi karo ad adeeg iyo kalsooni.
Haddalka Maxamed Cusumaan Jawaari ayaa imaanayo iyadoo ay sii xumaaneyso Calaaqada ka dhexeysa Madaxweynaha dalka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

