Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in halkaasi lagu arkay Meydka nin da’ ah oo la sheegay in la dilay kadibna goobtiisa ganacsi lagu qariyay.
Falkaani oo ahaa mid ugub ah ayaa waxa uu argagax ku riday dadka ku nool Degmada Xamar-weyne iyadoona lagu soo baraarugay Meydka ninkaasi Odayga ah oo lagu dhex qariya, goob ganacsi oo uu halkaasi ku lahaa.
Dadka goobtaasi ku sugan ayaa rumeysan in Odayga lagu dilay toorey maalintii Isniinta, waxaana meydkiisii la dhex dhigay dukaankiisa ganacsiga, iyadoo dusha laga saaray baakado iyo jawaano, sida laga soo xigtay dadka halkaasi ku sugnaa.
Odayga la dilay oo la oran jiray Aadan Xuseen, ayaa waxaa la baarayaa cida dishay oo aan weli si buuxdo loo aqoonsan, waxa ay yihiin.
Sayid Cali Aadan Xuseen oo ah uu dhalay marxuumka la dilay, ayaa ku waramaaya in Magaalada Muqdisho ay ka wadeen baadi-goob ay ku raadinayeen aabihii, bacdamaa looga baran in hoygiisa uu ka maqnaado, xiliyada habeenkii ah.
Dhanka kale, Maxamed Xersi oo ah Xoghayaha Maamulka Degmada Xamar Weyne , ayaa warfidiyeenada u sheegay in ay wadaan baaritaano ay ku doonayaan, inay ku soo qabtaan raggii dilka geystay.
Arrintaani ayaa waxay dhalisay hadalhaynta ugu badan ee bulshada ku nool Degmada Xamar Weyne.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

