Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dhanka Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke uu shuruudo adag ku xiray Siyaasiyiinta u sharxan kamid ahaanshaha Golaha wasiirada xukuumada cusub ee Somalia.
Ra’isul wasaare CC ayaa la sheegayaa in shaqsiyaadkaasi uu ku xujeeyay inay la imaadan saxiixa dhamaan Xildhibaanada beeshooda iyo warqad ogolaansho ah oo ay kala imaanayaan Ugaasyada beeshooda.
Arrintaani ayaa ka dambeysay kadib markii Ra’isul wasaaraha dalka uu walaac ka muujiyay caqabadaha kaga imaanayo dhanka BF Somalia oo iyagu ku goodiyay in Ra’isul wasaaraha uu la imaankarin Wasiiradii horay ugu fashilmay wasaaradaha.
Shuruudaha uu Ra’isul wasaaraha ku xujeeyay Wasiirada cusub ayaa waxaa kamid ah:
1 – In Siyaasiga doonaayo inuu kamid noqdo Golaha Wasiirada uu Ogolaansho kala imaado Xildhibaanada iyo Odayaasha u matala Arrimaha Siyaasada.
2 – Inuusan aheyn Siyaasi ama Xildhibaan ehel u ah khilaafaad.
3 – Inuusan mucaarad ku dhex laheyn Xildhibaanada BF Somalia.
Shuruudahaani uu Ra’isul wasaaraha ku xujeynaayo Wasiirada cusub ayaa waxa uu uga gaashamanayaa Caqabad kaga imaado dhanka Golaha Baarlamaanka oo iyagu diidan in dib loo soo celsho wasiiradii hore.
Dhanka kale, waxaa la filayaa in Ra’isul wasaaraha uu dib usoo celsho tiro wasiiro ah oo aan iyagu is hortaag kala kulmeynin BF Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

