28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Bashiir Goobe oo xusul duub ugu jiro Xil aan laga fileynin iyo Xasan oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Taliyihii hore ee Nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka, ahna Xildhibaan ka tirsan BF Somalia Gen Bashir Goobe uu Ololo xoogan ugu jiro Xilka Taliyaha Booliska.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in damaciisa Siyaasadeed uu usoo bandhigay Madaxweyne Xasan Sheekh, si loogu dhiibo Taliska Ciidamada Booliska oo uu horay usoo heyn jiray, Inkastoo uusan Madaxweynaha Jawaab rasmi ah weli kasiin.

Bashiir Goobe ayaa waxa uu horay usoo qabtay dhowr xil oo inta badan uu kala kulmay Caqabado kala duwan, iyadoona ay xusid mudan tahay inuu kusoo fashilmay Talisyada Booliska iyo Nabadsugida oo labaduba uu horay usoo maray.

Xilka uu Bashiir Goobe baadi goobka ugu jiro, ayaa waxaa kula loolamaayo ilaa Seddex Generaalo ka tirsan Booliska kuwaasi oo suuragal ah inay daaqada ka saaran Bashiir, maadaama uu dhowr xil kusoo fashilmay.

Xilka taliyaha booliiska, ayaa weli si rasmi ah qof loogu magacaabin tan iyo dhimashadii General Maxamed Sheekh Xasan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News