27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

“Waddo maaha meesha lagu shiraayo ee dowladda ha furto waddooyinka”…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cismaan Aadan Dhuubow oo kamid ah gudiga gaadiidka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay xernaanshaha waddooyinka magaalada Muqdisho oo dhibaato badan ay ku qabaan dadka shacabka ah.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya waajib ka saaran yahay adkeynta amaanka, laakiin aysan wanaasganeyn in la caburiyo dadka rayidka ah ee ku nool magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale sheegay Mr Dhuubow in ixtiraam la siiyo dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho oo muddooyinkii lasoo dhaafay la kulmayay xernaanshaha wadooyinka magaalada Muqdisho oo aan qaarkood ka shaqeysan wadooyinka xiran.

“amaanka waxay masuuliyad ka saaran tahay dowlada Soomaaliya, waxaase wanaagsan in dadka aan rafaad la marsiin, waxaan rajeynaynaa in la ixtiraamo bulshada iyo shacabka, ileen dadka lama quudayo haddana ma suurto galayso in wadada laga xirto”ayuu yiri xildhibaan Dhuubow.

Dhanka kale Xildhibaan Cismaan Dhuubow wuxuu sheegay in dadka qaarkood ay u baahan yihiin inay shaqooyinkooda aadaan, oo dowlada Soomaaliya aysan quudin loona baahan yahay in waddooyinka loo furo.

“Waxaan leenahay in dowlada xageeda looga baahan yahay inay qorshahaasi wax ka badasho, dadka haddii la caburiyo wax kale ayaa ka dhalan kara, labo saac ilaa seddex saac waa maquul”ayuu yiri xildhibaanka.

Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa xiran seddexdii maalin ee lasoo dhaafay, waxaana la sugayaa inuu soo gaaro magaalada Muqdisho madaxweynaha dalka Turkiga Mr Erdogan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News